Qarax ay dad shacab ah ku dhinteen oo ka dhacay Bakool

16

Wararka naga soo gaaraya magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in Qarax miino oo dhulka lagu aasay ay la kacday dad shacab ah oo mooto 3 lugoolay saarnaa,kaasi oo Alshabaab ay aaseen.

Lix qof oo shacab culimada deegaanka ah ayaa ku geeriyooday, laba kalena waa ay  ku dhaawacmeen qarax miino dhulka la geliyey oo haleeshay mooto 3 lugooley ah,taasi oo ay saarnaayeen 8 ruux oo 2 ka mid ah walaalo yihiin. sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Qaraxan wuxuu ka dhacay meel xudur u jirta 25 KM ugana beegan dhanka waqooyi waana wadada xiriirisa magaalooyinka ceelberde, quracjoome iyo gobolka hiiraan.

Culimadaan ayaa lasheegey in ay ku socdeen guri lagu casuumay oo quraan ku akhriyaan, waxana maanta lagu aasayaa tuulada Banjinaay oo 15 km u jirta magaalada xuddur,halkaas oo markii hore ka baxeen.