Madaxweynaha Jubbaland iyo Xasan Sheekh oo kulan yeeshay

35

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan talo wadaag ah la qaatay Madaxweynahii hore ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hoyigiisa ku booqday Madaxweynahii hore ayaa kulankan waxaa ay kaga wada hadleen labada Masuul Arimaha Doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii madasha ay door ugu yeelan laheyd go’aanka doorashooyinka dalka.

Kulankaan ayaa yimid ka dib War Saxaafadeed kasoo baxay Madasha xisbiyada Qaran ayaa eedeyn culus loogu jeediyay Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in howlihii dalka oo dhan ay kusoo aruureen gacanta Madaxweyne Farmaajo.

 

Madasha xisbiyada Qaran ayaa sheegtay in aan la aqbalin karin 53 maalmood uu dalku ahaado Ra’iisul Wasaare la’aan, islamarkaana shaqada hadda socotaa ay u muuqato kaligii talisnimo.