Maxay hey’adda culumada Soomaaliyeed ka tiri sharcigii shalay laga hor akhriyey golaha shacabka?

17

Mas’uuliyiinta hey’adda culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa taageero u muujiyey go’aankii ay guddoonka golaha shacabka ka qaateen sharcigii muranka badan dhaliyay ee Jinsiga, kaas oo qodobo ka ka mid ah guddoomiye Maxamed Mursal uu shalay ka hor akhriyey kulankii xildhibaannada Golaha Shacabka.

Culimada Soomaaliyeed ayaa iyaguna ku caddeeyay shirkoodii jaraa’id ee maanta ka dhacay Muqdisho, mowqifkooda ku aadan sharcigan oo ay soo gudbisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo aad u carteysan ayaa shalay qodobka afaraad ee sharcigaas ka hor akhriyey golaha shacabka, kaas oo ay ku jireen qodobo ka hor imaanaya diinta islaamka iyo dhaqanka suuban, isagoo xusay in marar badan golaha lagu soo cel-celiyay si looga ansixiyo.

Sidoo kale culimada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka hadleen, falalka kufsiga ah ee mudooyinkan dambe ku soo badanayay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Culamada ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in cid kasta oo falalkaasi geysata laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan,

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa u hadlay culumadii maanta shirka jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho.