Wasaarada caafimaadka oo war ka soo saartay kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed

22

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada caafimaadka ayaa waxaa si kulul looga hadlay kufsi iyo dil Muqdisho loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax.

Qoraalka wasaarada ayaa u qornaa sidan

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay si adag u Cambaaraynaysaa falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geestay Marxuumad Xamda Maxamed Faarax, Falkan argagaxa ah ee lagula kacay Marxuumad Xamda waa Jariimo weyn oo lid ku ah diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo aanan marnaba loo dul qaadan Karin.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxey Hay’addaha Caddaalada ee dalka ka dalbanaysaa in kuwii falkaan geystay la horkeeno caddaalada laguna qaado ciqaab u dhiganta gabood falka ay u geysteen Marxuumad Xamda Maxamed Faarax.

Siihayaha Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Fawziya Abiikar Nur iyo dhamaan shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka waxay tacsi tiiraanya leh u dirayaan Dhamaan umada soomaliyeed, gaar ahaan Ehelka iyo Qaraabada Marxuumad Xamda Maxamed Faarax, Ilaahay ha u Naxariisto.