Madasha Xisbiyada oo Farmaajo ku eedeysay kali-talisnimo iyo ku tumasho dastuur

22

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir ay ku yeesheen Muqdisho ka soo saartay war-saxafadeed ay uga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Qoraalkan ayaa dhaliilo badan loogu soo jeediyay madaxweynaha dowladda federaalka, iyagoo ku eedeyey ku tumasho dastuur iyo cuuryaaminta hey’adaha dowliga ah ee dalka.

Qoraalka Madasha oo sidoo kale lagu soo bandhigay seddax qodob oo baaq loogu diray dhinacyada kala ah, In-dheer garadka, dhaqanka, culumada, siyaasiyiinta iyo dhamaan shacabka Soomaliyeed, kuwaas oo lagula taliyey inay dhexda u xirtaan badbaadinta dowladnimada Soomaaliya.