Booliska Soomaaliya oo shaaciyey tarada dad loo qabtay dilkii iyo kufsigii Xamdi

12

Taliska booliska Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey in 11-qofood ay u soo qabteen kiiskii Xamdi Maxamed Faarax oo kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Muqdisho.

Marxuum Xamdi oo 19-sano jir aheyd ayaa Jimcihii meydkeeda laga helay degmada Waaberi magaalada Muqdisho, iyadoo laga soo tuuray guri dabaq ah.

Waxaa la sheegay in kufsi loo geystay, kaddibna laga soo tuuray dabaq lix-biyaano ah, kaas oo ku yaalla waaxda Maajo ee degmada Waaberi.

Booliiska ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in labo qof oo kale oo lagu tuhunsanaa falkaas lagu waayay, lana sii daayay.

Qoyska gabadha oo warbaahinta la hadlay ayaa ka walwalsanaa sida ay caddaalad u heli doonaan, hase yeeshee war-saxaafadeedka booliska waxaa lagu sheegay in baaritaanka kiiskaas uu marayo heer wanaagsan.

Hoos ka dhageyso afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe oo war-saxaafadeedkaas u akhriyey warbaahinta.