Guddoonka golaha shacabka oo maanta hakiyey mooshin loo gudbiyey

23

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoonka golaha shacabka u gudbiyey mooshin ka dhan ah kufsigii iyo dilkii dhawaan Muqdisho loogu geystay marxuum Xamdi Maxamed Faarax iyo tacadiyo kale oo ka horeeyay.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hakiyey muushinkaas oo ay wadeen qaar kamid ah xildhibaanada.

Guddoomiye Mursal ayaa diidmadiisa mooshinkaas u cuskaday in goluhu uusan xog-dhameystiran ka heyn falalkii dhacay, xildhibaanada mooshinka keenayna aysan u soo gudbin.

Sidoo kale guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay inay dirayaan warqad wasaarada amniga looga dalbanayo warbixin dhameystiran oo ku saabsan dhacdooyinkii kufsiga iyo tacadiyada kale isugu jiray ee dalka ka dhacay.