Wasiir Goodax oo maanta hor-tegay kulanka golaha shacabka

30

Sii-hayaha wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta hor-tegay kulanka xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Goodax ayaa baarlamaanka ka hor akhriyey qodobada heshiis waxbarasho oo dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa xildhibaanada golaha shacabka ka dalbaday inay meel mariyaan heshiiskan oo uu sheegay in uu muhiim u yahay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.