Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la yeeshay Safiirka Mareykanka

20

Madaxweynaha Galmudug MD Axmed Cabdi Kaariye, ayaa magaalada Muqdishu kula kulmay Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Dowladda Maraynkanka Danjire Donald Yamamoto.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha Galmudug iyo xaaladda guud dalka ayagoo si gaar ahna uga wada hadlay Arrimo la xiriira Doorashooyinka 2020-2021 iyo Dhammeystirka heshiiskii Dhuusmareeb[3].

Safiirka Mareykanka ayaa ka mahadceliyay kulanka Madaxweynaha GM, asagoona ku ammaanay Galmudugta cusub waxyaabihii u qabsoomay muddadii koobneed iyo doorkii ay ka qaadatay taabagelinta shirarkii Dhusamareb 1,2 & 3.

Ugu danbeyntii kulanka ayaa kusoo dhamaaday si guul ah ayadoona is afgarad laga gaaray dhamaan qodobadii laga wada hadlay