Kulamo gaar-gaar ah oo ka socda Muqdisho iyo dib u dhac ku yimid shirkii madaxda DF iyo DG

14

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya kulamo gaar-gaar ah oo ay yeelanayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaar, kuwaas oo ka shiraya xaalada guud ee dalka xiligan marayo iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed Cabdi-casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo kan Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoona ka wadahadlay arimaha doorashooyinka iyo shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasi oo dhex mari doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish.

Sidoo kale madaxweynayaasha maamulada  Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koofru Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa iyaguna kulmay waxaa ayna ka wadahadleen arimaha doorashada iyo shirkii Dhuusamareeb-3 ee lagu soo gabagabeeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada ay ku kala aragti duwan yihiin arimaha doorashooyinka iyo shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Sidoo kale xogta aan heleyno waxay sheegayaan in mar kale uu dib u dhac ku yimid shirka madaxda dowladda iyo maamul goboledyada ee arimaha doorashooyinka, iyadoo ay Muqdisho ka maqanyihiin Madaxweynayasha Galmudug iyo Jubbaland.

Khamiisti ayey ahayd inuu furmo shirkan, illaa hadana lama oga waqtiga uu sida rasmiga ah u furmayo