Booliska Soomaaliya oo ka hadlay Kiiska Gabadh dil iyo kufsi loogu geystay Muqdisho

12

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dhacdo Argagax leh oo shalay ka dhacday degmada Waabari ee gobolka Banaadir ka dib markii gabadh loo geystay fal kufsi ah ka dibna laga soo tuuray dabaq.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay waddaan baaritaano ku aadan falkaasi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in shalay ay gacanta ku dhigeen Afar Eedeysane oo falkaasi lagu eedeeyay, islamarkaana hadda baaris ay ku socoto.

“Afar eedaysane ayaan u haynaa, gabdha la kufsaday dabaqa Muqdishona laga soo tuuray, waxaa socota baadhis-qoto-dheer, waxaana umadda Soonaaliyeed si dhow ula wadaagi doonnaa natiijada oo dhammaystiran” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Gabadha oo lagu Magacaabo  Xamdi Maxamed Faarax ayaa katirsan ardayda sanadkan ka qalin-jibeyey dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho .

Saaka ayaa lagu aasay Muqdisho, waxaana eheladda Xamadi ay dalbanayaan in ay caddaalad helaan.