Gudoomiye Weli Qorax oo Maanta dib ugu soo laabtey degmada Baardheere(SAWIRRO)

53

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baardheere oo mudooyinkii ugu dambeeyey isaga iyo Xubno ka tirsan Maamulka degmada oo howlo shaqo ugu maqnaa degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo iyo magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Baardheere.

Boqolaal ka mid ah qeybaha kale duwan ee Bulshada Baardheere ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha degmada Maxamed Weli Qorax,kuwaasi oo dareenkooda ku muujinayey taageerada ay u hayaan Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo shir jar,aad ku Qabtey Hoolka shirarka ee Xarunta Maamulka degmada Baardheere oo ay goob jog ka ahaayeen,Xubnaha Maamulka ,Saraakiisha ciidamada ,Ururka haweenka,Odoyaasha dhaqanka ,Dhalinyarada iyo wax garad kale.

Gudoomiyaha ayaa faah faahin uu ka bixiyey shirarkii loo qabtey Maamulada degmooyinka G/Gedo ee ka dhacay magaalada Baladxaawo iyo kulamo kale duwan uu la soo qaatey Madaxda Gobolka Gedo,dhamaan kulamaadasi ayuu tilmaamay in ay ka soo baxeen natiijooyin wax ku ool ah.

Diyaariye:Axmed Cumar Saalixi
www.radiomarkabley.com