DF oo maanta ciidamadii ugu badnaa geysay Hobyo

12

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamadii ugu badnaa geysay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, kuwaas oo sida la sheegay laga qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

In kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin sababta ciidamadaas loo geeyay Hobyo, hadana warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka magaaladaas ay mudo dheer qaati ka taagnaayeen kooxaha daroogada ka ganacsada iyo kuwa iibiya.

Sidoo kale xiisado colaadeed oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dadka deegaan ayaa ka taagan deegaanada hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.