Beledwayne: Hoos u dhac ku yimid heerka biyaha webiga Shabeelle

21

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in hoos dhac uu ku timid biyaha wabiga Shabeelle oo cabsi xoog leh ku hayey shacabka ku nool xaafadaha ku teedsan wabiga Shabeelle.

Waxaa socda dadaallo looga hor-tegayo fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeelle, kuwaasi oo ay wadeen maamulka gobolka Hiiraan iyo shacabka, waxaana muuqata in ay yaraadeen biyihii uu banaanka u saarayey wabiga Shabeelle ee mara magaalada Beledweyne.

Hoos u dhacaan ku yimid biyaha wabiga Shabeelle  ayaa waxaa uu rajo galiyey boqolaal shacab ah oo u barakacay deegaanka Ceel-jaalle, kuwaasi oo daneynaya in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, balse roobab ka da’ay dowlad deegaanka Soomaalida ayaa laga cabsi qabaa in ay sii kordiyaan biyaha wabiga Shabeelle oo ka soo bilaawda dalka Itoobiya.