Shabaab ku waxyeeloobey qarax ay aasayeen

18

Wararka naga soo gaaraya Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu halkaasi ka dhacay qarax khasaare nafeed dhaliyay.

Qaraxa ayaa ku dhintay Saddex ruux, halka Afar ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la sheegay in ay dhulka rabeen in ay ku aasaan.

Laamaha Ammaanka ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in kuwa dhintay iyo kuwa dhaawaca ahba ay ahaayeen xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo qaraxa oo noociisu ahaa miino, dhulka ku aasayay.

Afarta dagaalame ee qaraxaas ku dhaawacmay ayay sheegeen Laamaha Ammaanka dalka Kenya,in ay goobta ka qaadeen xubno kale oo Al-Shabaab ka tirsanaa.

Majirin khasaare kale oo soo gaaray dadka deegaanka gaar ahaan kuwii ka agdhawaa goobta qaraxu maanta ka dhacay, oo ay sheegtay dawlada Kenya.

Dagaalamayaasha Al-Shabaabna kama aysan hadlin qaraxa maanta ka dhacay Waqooyi Bari ee dalka Kenya.