Xasan Sheekh & Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo kulan xasaasi ah yeeshay

8

Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen ayaa waxaa ay iska wareysteen xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo xal u helida arimaha doorashooyinka ee 2020-2021.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tan iyo markii uu iska casilay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka aan ka hadlin arrimaha siyaasadda dalka.

Kulanka Maanta Muqdisho ku dhex-maray Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka Xassan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka uu ku jiro waqti kala0guur ah,isla markaana la isku diyaarinayao arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya.