Jubbaland oo war ka soo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Kismaayo

28

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka tacsiyeey geerida gudoomiyahii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin iyo muwaadiniinta kale oo maanta ku geeriyooday qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Kismaayo.

“Madaxweynahu waxuu Allah uga baryayaa in uu naxariistii Jano ka waraabiyo guddoomiye Shaafi iyo intii la dhimatay, sidoo kalena dadka dhaawaca ah uu caafimaad deg deg ah siiyo” ayaa lahu yiri qoraal ka soo baxay Jubbaland.

“Shaafi Raabi Kaahin waxa uu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo shaqeeyay awood walba oo karaankiisa ah, isla markana lasoo qaybsaday duruufo adag, isagoo maanta naftiisa ku waayay u khidmaynta shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Nin isku soo xiray wax-yaabaha qarxa ayaa salaadii Jimcaha kadib isku qarxiyey banaanka hore ee Masjid ku yaalla Kismaayo, waxaana la’aaminsanyahay in bartilmaameedkiisu uu ahaa guddoomiye Shaafi.

Marka laga soo tago ruuxa is-miidaamiyey, inta la xaqiijiyey laba qof oo guddoomiye Shaafi ku jiro ayaa geeriyootay.

Sidoo kale in ka badan 5-qof oo u badan ilaaladii guddoomiyaha ayey dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaraxaas.