Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo magacaabay guddi ka kooban 14-xubnood

13

Madaxwayne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa goor dhaw magacaabay guddiga qaban qaabada aaska Allah ha naxariistee gudoomiyahii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin.

Guddigan ayaa ka kooban wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan maamulka Jubbaland, waxaana guddoomiye looga dhigay Geelle Maxamuud Aadan oo ah wasiirka beeraha Jubbaland.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa salaadii Jimcaha kadib isku qarxiyey magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Bartilmaameedka qaraxas waxaa la sheegay in uu ahaa guddoomiyihii rugta ganacsatada Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxaas.

Marka laga soo tago ruuxa is-miidaamiyey, inta la xaqiijiyey laba qof oo guddoomiye Shaafi ku jiro ayaa geeriyootay.

Sidoo kale in ka badan 5-qof oo u badan ilaaladii guddoomiyaha ayey dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaraxaas.