Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa oo la hor-geynayo Baarlamaanka Soomaaliya

11

Sii hayaha wasiirka wasaaradda Caddaalada dowladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in maalmaha soo aaddan ay baarlamaanka hor-geyn doonaan guddiga la dagaalanka musuq maasuqa oo ka kooban 9 xubnood kuwaasi oo dhawaan ay golaha wasiiraddu meel mariyeen.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in guddigan waajibaadkoodu kamid tahay wax ka qabashada Musuq maasuqa ka dhex dhaca hey’adaha dowladda.

Wasiirka ayaa intaas sii raaciyay in Xubnahaan ayaa bilaabi doonaan howshooda markii ay soo meel mariyaan Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Isla markaasna uu saxiixo Madaxweyne Farmaajo kuna soo baxaan faafinta rasmiga ah.

Hey’adaha garsoorka ayaa loo soo gudbiyaa dacwado musuq maasuq kuwaasi oo lagu soo eedeyo shaqsiyaad dowladeed oo Musuq maasuqay Hanti dadwayne.

Dhawaan ayay ahayd markii maxkamada gobolka Banaadir ay xukuno kala duwan ku riday mas’uuliyiin iyo shaqaale u shaqaynayay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ku waasi oo lagu eedeeyay Musuq maasuq.