Kenya oo amartay in la xiro Guddoomiyaha Gaarisa

8

War qoraal ah oo ka soo baxay dacwad oogaha guud ee Dowladda Kenya Nuurdiin Xaaji ayaa lagu  amray in lasoo xiro Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Buunow Qorane iyo mas’uuliyiin kale oo ku eedeysan in ay musuq sameeyeen.

barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa maxkamadi amartay in lasoo xiro isaga iyo afar ruux oo kale kuwaas oo ku  lug-yeeshay Masuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne  sida lagu soo eedeyay.

Lacag ka timid Bankiga Adduunka  oo caddadeedu gaaraysay 235 milyan oo shillin ayaa si gaar ah loogu eedeyay in ay jeebka ku riteen Mas’uuliyiinta la amray in la soo xiro.

Xubnaha lagu eedeeyay musuq maasuq ayaa waxaa lagu kala magacaabaa

1-Ibraahim Moolow Nuur Xog-hayihii hore joogtada Wasaaradda Maaliyadda.

2- Maxamed Axmed Cabdullaahi Madaxa Maaliyadda Gaarisa.

3-Cabdi Shaale Madaxda Hanti dhowrka.

4-Axmed Cabdullaahi Aadan Qasnad hayaha Hanti dhowraha.