Guddoomiyihii rugta ganacsatada Jubaland iyo dad kale oo lagu dilay qarax is-miidaamin ah

14

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa salaadii Jimcaha kadib isku qarxiyey magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Bartilmaameedka qaraxas waxaa la sheegay in uu ahaa guddoomiyihii rugta ganacsatada Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo goor dhaw u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxaas.

Marka laga soo tago ruuxa is-miidaamiyey, inta la xaqiijiyey laba qof oo guddoomiye Shaafi ku jiro ayaa geeriyootay.

Sidoo kale in ka badan 5-qof oo u badan ilaaladii guddoomiyaha ayey dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaraxaas.