Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed Oo Wadatashi Looga Hadlayey Qabyo-Qoraalka Sharciga Naafada Ku Soo Gabagabaysay Magaalada Dhuusamareeb

19

Kulankan oo muddo sadax maalmood ah ka socanayey magaalada Dhuusamareeb ayaa la soo gabagabeeyey waxa uuna ku saabsanaa wadatashiga qabya qoraalka Sharciga Naafada Soomaaliyeed, maantana looga hadlayey Wada-tashiga iyo Wacyigalinta Xuquuqda Naafada, waxaana soo qabanqaabiyey Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed iyadoo ay ka soo qaybgaleen Dadka baahiyaha Gaarka ah qaba, Xildhibaanno, Wasiiro, Maamulka magaalada Dhuusamareeb iyo xubno ka socday Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba ee magaalada Cabdi Jiirow Dhudi oo ugu horayn ka hadlay madasha ayaa xusay in wax laga qabto tabashooyinkooda ayna soo dhowaynayaan sharcigan qabya-qoraalka ah sidii loo dhameystiri lahaa.

Sayid Cali Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay ina dadka Naafada ah ay Xuquuq ku leeyihiin Qaranka, ayna magaalada Samo reeb ku arkeen inaysan Dadkani lahayn xarun ugaar ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Caroole ayaa xusay in maamulka magaalada Samo reeb uu caawin doono dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba.

Ugu dambayn waxaa kulanka ka hadashay Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug waxa ayna xustay in Dadkan Xaruntii ay lahaayeen si dhaqso ah loo hirgeliyo.

Dadka baahiyaha Gaarka ah qaba ee Deegaannada Galmudug waxa ay samaysteen Guddiyo ay ku midaysan yihiin, kuwaasi oo u dooda, kana shaqeysa sidii ay ku heli lahaayeen xaquuqdooda aas aasiga ah.