Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiiradda Jubbaland ?

4

Madaxwayne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir guddoomiyay shirka isbuuclaha ah ee golaha wasiirrada Jubbaland kaas oo ka dhacay madaxtooyada jubbaland.

Waxaa Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda amniga, arrimaha siyaasadda ee Dowlad goboleedka Jubbaland iyo xaaladda guud ee dalka.

Waxaa sido kale kulanka lagaga hadlay sidii gacan loo siin lahaa Cidamada of Dowlad goboleedka Jubbaland ee ku jira furuumaha iyo sidii Al-Shabaab loogala wareegi lahaa deegaanada ay kaga suganyihiin Jubbaland.

Waxaa sidoo kale kulanka warbixin ku saabsan hawlohooda shaqo lagaga dhagaystay Hanti dhawraha guud Dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasaaradda waxbarashada Jubbalanld waxaana laga waraystay ardaydii gashay kaalmaha hore ee imtixaankii shahaadiga ee fasalka 12 ee dugsiga sarre waxaana lisla gartay in ardaydii gashay kalmaha hore ee degaannada Jubbaland lasiiyo abaal marin iyaga iyo iskuulaadkii ay kaalmaha ugaleen.