Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo wata Hub iyo Gaadiid oo isku soo dhiibey Ciidanka DF ee Ku sugan Baardheere.

17

Sargaal ka Tirsan Kooxda Al-Shabaab Ayaa Maanta Galinkii Hore Isku Soo Dhiibay C,X,D,S Ee Ku Sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,Sargaalkan oo lagu sheegay Magaciisa Xasan Yare Ka Tirsanaa Kooxda Al-Shabaab Ayaa Watay Gaari Noociisu Yahay Surf Qori&Bistoolad Waxaana Uu Ka Mid Ahaa Saraakiisha Al-Shabaab Ugu Waawayn Waxuuna U Qaabilsanaa Sargaalkan Kooxda Al-Shabaab Hawgalada Ay Kooxda Ka Fuliyaan Dalka Kenya.

Shalay Galinkii Danbe Ayuu Ka Soo Goostay Kooxda Al-Shabaab Isagoona Ka Soo Tagay Degmada Bu,aale Oo Ah Magaala Madaxda Gobalka J.Dhexe Saraakiisha Noocaan Oo Kala Ah Ayaa Muhiim U Ah D,F,S Marka Loo Eego Dhanka Xogaha Ay Bixin Karaan Isla Markaana Ay La Wadaagi Karaan Lamaaha Amaanka Qaranka Soomaaliyeed.