Wasiir Goodax Barre oo u jawaabay Madaxweynaha Puntland

18

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay ku eedeeyay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya in uusan ka warqabin imtixaankii ay galeen Ardayda ku nool Gobolada dalka Soomaaliya, hayeeshee waxaa hadalkaasi ka jawaabay Wasiirka.

Siihayaha xilka Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibana Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in isagau aysan aheyn in uu ka warqabo imtixaanka,isla markaana Wasaaradda ay u xil saartay sixitaanka imtixaanka 83 macalin.

Waxaa uu sheegay, isaga oo ka qeyb-galayay Barnaamij dooda ah oo ka baxayaya Tv-ga Universal in guud ahaan maalin ka hor ku dhawaaqista natiijada imtixaanka sanadkaan lagu soo wargeliyay iyo duruufaha ku gadaamay,isla markaana nidaamka dejisay uu ku socday kuna koontoroolayay Macalimiinta.

Isaga oo ka jawaabayay hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu sheegay in Deni uu yahay mid iska hadlay kana hadlay Arrimo la xiriira Gobolkiisa.

“Aniga shaqsiyaadka natiijadooda waxba igama quseeyaan oo macalimiin ayaan u xil saaray, madaxweynaha puntland waa Nin iska hadlaayo oo aniga hadalkiisa maba daneeyo ayuu yiri” Wasiir Goodax Barre.

Imtixaanka sanadkaan ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa ku dhacday 8,550 Arday oo ku dhawaad 8,000 oo kamid ah ay ku nool yihiin Gobolka Banaadir, waxaana sababta arrintaasi ay dhalisay hadal-heyn farabadan.