Madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Galmudug, iyo Koofur galbeed oo Muqdisho soo gaaray

6

Madaxweyneyaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa  ayaa si kala gaar gaar ah uga soo degey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kadib kulan wada tashi ahaa oo ay ku yeesheen magaaalada Baydhabo.

Wafuuda soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay madax ka tirsan dowlada federalka oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar maxamuud Maxamed Cumar Filish.

Ujeedka safarka ayaa ah sidii ay uga qeyb gali lahaayeen shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada kaasi oo la filayo in uu maalinka barrito ka furmo Muqdisho, waxaan shirkaasi looga hadli doona arrimo la xariira siyaasadda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Magaalada Muqdisho waxaa hore ugu sugnaa muddo ka badan 7 maalmood madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.