Dowladda Soomaaliya oo Xeer-ilaaliye gaar ah u magacaawday Saxaafadda

11

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa xeer-ilaaliye u gaar ah u magacaabay Saxaafadda si baaris loogu sameeyo, gacantana loogu soo dhigo kuwii soo abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka ah Suxufiyiinta, hayeeshee Magacaabista aan lagu xusin Magaca Xeer ilaaliyaha u gaarka ah Wariyeyaasha.

Qoraal kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa lagu wargeliyay Shacabka Soomaaliyeed in qof walba oo haya xog la xiriirta dilalka Wariyeyaasha inay kusoo wargeliyaan Xafiiska Xeer ilaalinta.

Sidoo kale Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa sheegay in cadaaladda la horkeeni doono kuwii kad ambeeyay dilalka iyo waxyeeleynta Suxufiyiinta si loo soo afjaro dilalka iyo dhibaatooyinka ciqaab la’aanta ah ee loo geysto Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha dhibaatooyinka kala duwan loogu geysto Wariyeyaasha, iyaga oo xarig, hanjabaad iyo dilba kala kulma Dowladda iyo Urrurada kasoo horjeeda.