Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo kulamo ka wada Gobolka Gedo

16

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomalaiya Xasan Cali Nuur Shuute iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa ay kulan xog-wareysi ah kula qaateen degmada Bledxaawo ee Gobolka Gedo Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka oo Saacado qaatay ayaa waxaa xaalada Amni Iyo mid Ciidan looga dhageystay, Taliyayaasha, Ciidamada qeybahooda kala duwan Sida Taliyaha Guutada 10aad Qeybta 43aad Ee Gobolka Gedo Janaraal Maxamed Cadoow Cali Sanka, Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Bakaal Kooke, Taliyaha Qeybta Booliska Cabduqaadir Biixi, Iyo Saraakiisha Kale Ee Ciidamada Gorgor.

Guddoomiyaha, Maxkamada Darajada Koowaad Ee Ciidamada, Iyo Xeer Ilaaliyaha Maxmakada, CXDS oo Goobta ka hadlay ayaa Sheegay,In Taliyayaasha Ciidamada ay Ilaaliyaan, Nabada, Nafta, Hantida, Shacabka Somaliyeed, Iyo Sharafka Ciidanimo, Askartuna, ay ka soo Baxaan waajibaadka loo igmaday.

Kulankan ayaa waxaa la sheegay in uu bilaaw u yahay Baaritaanada iyo Xukunada Shaqaaqooyinkii Maalmihii la Soo dhaafay ka Dhacayey, Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.