Barnaamijka LIVE ka ee Dhanka Waxbarashada oo ka baxay Radio Markabley FM Baardheere(DHAGEYSO)

26

maanta oo ay taariikhdu ahayd ,Talaado 8/9/2020,ayaa waxuu soconayey muddo hal saac ah,Dawadayaasha ayaa waxay kala socdeen Barnaamijka Baraha aan ku leenahay Faceboga,halka dhageystayaashuna ay ka socdeen Radio Markabley FM 88.8,webstkeena oo ah www.radiomarkabley.com,barta YOUTUBE ka radio Markabley.

Mowduuca Barnaamijka waxbarashada ayaa ahaa muhiimadda Akhriska iyo Qoraalka uu leeyahay,Barnaamijka oo bilowdey 2.30kii duhurnimo ayaa waxaa la soo gunaanadey 4tii galabnimo waxaana Marti ku ahaa Aden Xirsi Aden oo ah Kormeeraha Wasaarada Waxbarashada Dowlad Goboleedka Jubaland u Qaabilsan Gobolka Gedo,waana Qabiir xaga Waxbarashada 1982 ila 1988 waxuu soo qabtey xilka Gudoonka Waxbarashada degmada Baardheere,isagoona ka qalin jebiyey Kulayadii waxbarashada ee Lafoole.

Ku dhowaad ilaa 47 qof ayaa dhanka fariimaha ugu qeyb qaatey BarnaamijkaRadio Markabley ayaa su,aalo la xariira dhanka waxbarashada waxay weydiiyeen Aden Xirsi Aden oo ah Kormeeraha Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubaland u Qaabilsan Gobolka Gedo,dhamaan su,aalahaasi ayuu ugu jawaabey si saraaxad leh.