Qaar kamid madaxda dowlad goboleedyada oo Beydhabo shir uga furmay

18

Shir wada tashi ah oo ay ka qeyb galayaan Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Koofur Galbeed,Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ka furmay magaalada Beydhabo ee xaruunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlaya arrimo ay kamid yihiin Doorashada Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka wada shaqayn ee u dhaxeeya maamuladan.

Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in shirkan iskaashi dhinacyo badan ku qotoma sida Amniga, siyaasadda iyo dhinacyada dhaqaalaha.

Sidoo kale Cabdicasiis Lafta gareen waxa uu sheegay in shirkani uu ahaa mid hore loogu balansanaa oo waqtigiisa ka soo hormaray Isla markaasna xoogga lagu Saari doono marxaladaha dalka uu marayo.

Madaxweynaha Galmudug oo sidoo kale shirka ka hadlay ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in Axmed Madoobe iyo Deni ay diideen ka qeyb-galak shirkii Dhuusamareeb3, iyaga oo shuruud uga dhigay dalka uusan Ra’iisul Wasaare laheyn, hayeeshee iyada oo weli la magacaabin Ra’iisul Wasaare ay tageen Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Qor Qoor Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in ay la yimaadaan qorshayaal cad si wada-hadallada au miro dhalaan.

Shirkaan ayaa ku soo aadaya xilli madaxtooyadda Soomaaliya ay muddeysay xiliga uu furmayo kulan u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada kaasi oo loo balansanyahay 10 bishaan oo ku beegan maalinta barrito.