M.Farmaajo iyo wafdi ka socda dawlada Mareykanka oo kulan aan caadi ahayn uga socda Muqdisho

10

Waxaa magaalada Muqdisho maanta kulan aan caadi ahayn uu uga socdaa, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi socda beesha caalamka.

Kulankan oo ka socda gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxa uu yahay mid ay albaabada u laaban yihiin.

Xubnaha wafdiga ee ka socda beesha caalamka gaar ahaan dawlada Mareykanka ayaa waxaa ay madaxweynaha kala hadlayaan arrimo ay ka mid yihiin musuq maasuq la sheegay in ay hareeyeen hawlaha la xiriira dib u habeynta amniga, taas oo kal hore ay walaac ka muujisay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga ee kulanka maanta qaybta ka ah, ayaa waxaa ka mid ah masuuliyiin ka socda wasaaradda difaaca Mareykanka iyo Taliska Hawlgalka Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.

Sii xoojinta xiriirka iyo taageerrada dhinacyada badan ee dawlada Mareykanku siiso Soomaaliya, ayaa sidoo kale ka mid ah waxyaabaha looga hadlayo shirka maanta, iyadoo dawlada Mareykanku ay ka mid tahay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ka taageera dhanka dhaqaalaha iyo sidoo kale la dagaalanka Al-Shabaab.