Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay Natiijada Imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka

17

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dawladda Soomaaliya ayaa maanta oo taariikhdu ay ku beegan tahay 06-September-2020 waxa ay ku dhawaaqday, Natiijada imtixanadka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2019/2020.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan, ay imtaaxaanaadka dugsiyada sare ee sdalku ay u fariisteen 3,3727 arday oo guud ahaan caasimadda iyo gobollada dalka, kuwaas oo ay ku galeen 114 xarumo waxbarasho.

Natiijadii maanta ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada dalka ayaa waxa ay ku sheegtay in ay sanadkaan gudbeen 25,177 arday.

Tirada wiilashada ee imtixaanaadka sanadkaan ku dhacay ayaa ah 5,231 arday,oo u dhiganta 24.90% halka tirada gabdhaha ee imtixaanka ku dhacayna ay yihiin 3,319 arday, oo u dhiganta 26.09%, sida ay Wasaaraddu shaacisay taas oo wadarta guud ee ardayda dhacday wiilal iyo gabdhoba ka dhigeysa 8,550 arday  oo ka dhigan 50.99% .

Sidoo kale waxa ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dawladda Soomaaliya Natiijada kala sareynta Iskuullada.