Maamulka gobolka Gedo oo beeniyay in Muqdisho ay imaanayaan

30

Maamulka gobolka Gedo ayaa beeniyay, warar sheegayay in looga yeedhay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, si ay ula kulmaan madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Guddoomiyaha degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo Axmed Barre oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa waxa uu ka warbixiyay wararkaasi sheegaya in maanta ay yimaadaan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gogol looga hadlay arrimo masiiri ah ay dhigi doonaan magaalada Garbahaarreey,taas oo dhammaanba ay ka qayb galayaan maamulka gobolka Gedo, isagoo tilmaamay in Axmed Madoobe uu imaan karo gogoshaas, balse iyagu aanay u aaminsaneyn madaxweyne.