Axmed Madoobe oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka horjeediyay guddoonka Aqalka sare

14

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta tagay xarunta Aqalka sare ee Soomaaliya, halkaas oo uu kulan kula qaatay guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ee Soomaliya, waxaana uu jeediyey khudbad dhinacyo badan uu uga hadlay gaar ahaan arrimaha siyaasadda ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland waxa uu ugu horeynba  sheegay in sanad laga joogo doorashadiisa islamarkana uuu mudadaas sanadka ah uu Kismaayo dhufeys uga jiray dowladda Soomaaliya iyo xubno uu sheegay in ay u direyso, si buu yiri aan yac iskaga iraahdo( is kaga difaaco).

Waxaana uu intaas ku sababeeyay in doorashadiisa  aysan ku qancin dawladda.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii Dhuusamareeb3 markii la ogaaday isaga iyo Madaxweyne Deni ay tagayaan shirkaasi in la  xiray shirka qoraalna laga soo saaray muddo kaddibna ay  Muqdisho yimadeen.

Madaxweyne Madoobe  waxa kale uu ka hadlay shirka la filayo in uu Muqdisho ka dhacayo waxaana uu yiri” annaga ayaa ka dalbanay madaxweynaha in  madaxda maamullada dalka ka jira in loo yeero, si aysan u noqon Saddex ruux oo qaraabo ah oo wada kulmay dadkane nagu xaman”.

Dhinaca kale guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa isna sheegay in dalkeenna uu u baahan yahay badbaado islamarkaana lawada hadlo si xal waara loo gaaro.

Madaxda maamullada kale ee ka maqan Muqdisho waa in loo yeeraa si go’aan mid ah loo qaataa ,isla markaana waxaa sahlanaaneysa badbaadinta dalka, ayuu yiri Cabdi Xaashi.