Guddoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in dalka badbaado u baahan yahay

22

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo daahfuray kulanka uu Khudbadda ka jeedinaayo Madaxwaynaha Jubaland ayaa waxa uu sheegay in uu bad baado u baahan yahay dalka.

Waxa uu sheegay in ay tahay in laysku yimaado oo la wada hadlo ,waxa uuna intaa ku daray in loo baahan yahay in laysku tanaasulo si dalka loo badbaadiyo.

Waxa uu madaxwaynaha jubaland Axmed Madoobe ka dalbaday asiga iyo Madaxwayne Deni in ay u yeeraan inta siyaasadda shaqada ku leh lagana wadatashado sidii dalka loo bad baadin lahaa.

Sidoo kale waxa uu kula dar daarmay in aysan muqdisho ka tagin illa xalka Soomaaliya laga gaaro umadda soomaaliyeed ayuuna tilmaamay in ay yihiin dad walaalo ah oo is jecel balse siyaasiyiinta ay kala qub qubaayaan.