Deni oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho

22

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu Muqdisho ka deganyahay ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga Garsoor Xildhibaan Zakeriye Maxamuud Cabdi iyo xubno ka tirsan xisbiga.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha Amniga iyo doorashooyinka maadaama dalka xilligana uu ku jiro waqti kala-guur ah oo doorasho la aadayo.

Guddoomiyaha Xisbiga Garsoor Xildhibaan Zakeriye Maxamuud Cabdi ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Puntland kulamada siyaasadeed ee uu ka wado Magaalada Muqdisho ee la xiriira doorashada.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu Muqdisho ka deganyahay ku qaabilay Afhayeenka Isu tagga Ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed Mudane Cismaan Muxiyadiin Macalim Shaatax .

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tan iyo markii uu imid Muqdisho talaadadii todobaadkii hore waxaa uu waday kulamo kala duwan oo looga hadlayo Arrimaha doorashada.