Ciidamada maamulka Galmudug oo ku baxay Shacab iyo Shabaab ku dagaalamay gobolka Mudug

24

Wararka ka imaanya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ay ku baxeen dad shacab ah oo Al-Shabaab dagaal kula jira deegaan dhaca gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Shabeellow oo hoos taga magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Dadkan shacabka ah ayaa ka dalbaday dawlada Soomaaliya iyo maamulka Galmudug in ay ka gacan siiyaan dagalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Ciidamada Galmudug oo maanta tagay deegaanka ayaa waxa ay ka bilaabeen hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaasina garabsiinaya dadka deegaankaasi.