Wasiir Goodax oo amarro dul dhigay Dalladaha Waxbarasho iyo Iskuullada dalka

28

Ku Simaha Wasiirka Waxbarashada  Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa manta ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarashada aas aasiga ah ee ka dhaqangalay dalka.

Wasiirka oo ka warbixinayay Manhajkan dhawaan ay daahfurtay dawlada Soomaaliya, ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyay, waxyaabaha uu kaga duwan yahay Manaahijtii hore ee laga dhigi jiray Iskuullada dalka.

Waxa uu sheegay in Manhajkan uu yahay mid ku qoran Af-keena Hooyo ee Soomaaliga ah, taas oo uu tilmaamay in ay faa’iido weyn u tahay dhammaan ardayda Soomaaliyeed, kuwooda nasiibka u yeeshay in ay Manhajkaan wax ka bartaan.

Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa xaqiijiyay in lala wareegay 24-dugdi ,haatanna ay socdaan dadaal la doonayo in lala wareego 12-dugsi oo kale,wuxuuna intaa raaciyay in bilooyinka soo socda la nidaamin doono Jamacadaha faraha badan ee ka jira dalka.

Siihayaha Wasiirka Waxbarashada XF. Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ay socdaan, dadaallo ku aadan sameynta siyaasad guud oo ku wajahan horumarinta waxbarashada dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in Iskuullada iyo Dalladaha waxbarasho ee dalka ka jira, ay kula xisaabtami doonaan haddii ay diidaan in ay dhigaan Manhajkan cusub