Jubbaland oo ka hadashay shuraada ay ku xirtay furitaanka shirka Muqdisho

13

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixisay shuruuda ay ku xirtay furitaanka wada-xaajoodka doorashooyinka 2020-21 ee Muqdisho kaasoo ah in gobolka Gedo laga saaro ciidanka dowladda federaalka.

Maxamed Axmed Sabriye, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda maamulka Axmed Madoobe oo qoraal ka soo baxay ayaa sheegay in saarista ciidanka qeyb ka ahaa heshiis lagu gaarey shirkii Dhuusamareeb 2.

War-saxaafadeedkaas nuqul kamid ah uu arkay GO ayaa lagu caddeeyay in madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uusan geli karin heshiis ku saabsan coddeynta 2020-21, iyaddoo ciidanka aan la saarin.

“Shirkii Dhuusamareeb2 waxay Madadxda DFS iyo Jubaland heshiiyeen inta aan shirka Dhuusamareeb3 la isugu imaanin in xal rasmi ah laga gaaro arrinta gobolka Gedo, ciidamadana laga saaro si looga heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Heshiiskaasi wuxuu ka fuli waayey xaga DFS oo aan wax tallaabo ah qaadin, taas badalkeedana maalinkasta carqalad iyo ami darro gobolka kasii wadda,” ayaa lagu bidhaamiyey warkaas qoraalka ah.

Sabriye ayaa intaas wuxuu ku daray: “Sidaa darteed Madaxweynaha Jubaland miiska wada hadalka kuma fadhiyo Jubbaland-Gedo ka maqantahaye wuxuu ku fadhiyaa Jubbalandta guud, heshiiska Doorasho ee uu la gali karo DFS wuxuu imaan karaa kadib marka gobolka Gedo gacanta Jubaland lagu soo celiyo isla markaasna nooca farsamo, amni iyo goobaha Doorashadu ka dhici karto gobolkaasna Jubaland masuuliyadeeda yeelato”.

“Magacana wado maamulkana daa meel ma wada gashee meel isugu bayra/baydha,” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa. Wadahadalada ayaa haatan hakad ku jira, waxaana meesha ka maqan isu soo dhowaanshiyo.