Dagaal dhex maray ciidamada dawlada iyo Al-Shabaab

31

Ciidamada dawlada Soomaaliya iyo dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa waxa uu dagaal ku dhex maray gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa waxa uu bilowday kadib markii ay weerar soo qaadeen xubno ka tirsandagaalamayaasha Al-Shabaab, saacadihii uu socday ayaana waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay  qaar kamid ah xubno  ka tirsan Al-Shabaab gacanta ku soo dhigeen ,kuwaasi oo soo weeraray saldhigyada ciidamada ay ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.