Cumar Filish oo shaaciyey inuu ku fashilmay balanqaadkiisii sanad ka hor

7

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka qeyb galay munaasabad lagu maamusayay sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii uu xilka la wareegay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Guddoomiyaha oo soo hadal qaaday jidadka xiran ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta ay dhagaxda uga qaadi la’yihiin ay tahay amni darro weli jirta.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in hada uu socdo qorshe amni loogu soo dabaalayo magaalada Muqdisho, kaas oo ka bilaawday labada gobol ee Shabeelooyinka, oo la geeyay ciidamo ka saara Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa madaxweynaha Soomaaliya uga mahad-celiyay garab istaagii uu u muujiyay muddadii sanadka eheed,wuxuuna sidoo kale shacabka caasimadda ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen isagoo ka codsaday in ay sii wadaan ka qeyb qaadashada horumarka caasimadda.