Jubbaland oo eedeyn culus u jeedisay DF xilli Axmed Madoobe ku sugan-yahay Muqdisho

15

Maamulka gobolka Gedo ugu magacaaban Jubbaland ayaa soo saaray eedeymo culus oo ku socda Villa Somalia iyo hey’adda Nabad sugidda ee NISA, xilli uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku sugan-yahay magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in uu yimid kadib markii ay shir isugu yimaadeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ee Jubbaland, waxaana shirkaas guddoomiyey Maxamed Muxumed Maxamed oo ah guddoomiyaha Jubbaland ugu magacaaban gobolka Gedo, sida lagu sheegay qolaaka.

“Hey’adda Nabad sugidda iyo xafiiska Madaxweynaha, tan iyo dhamaadkii sanadkii tagay iyo waqtigaan waxay gobolka Gedo kusii daabulyaan ciidamado Muqdisho laga keenay, oo laga leexiyay waajibaadkoodi qaran, isla markaana loo isticmaalay dano siyaasadeed oo guracan iyo abuuridda jabhad cusub oo dhamaantood hoos taga hey’adda Nabad sugidda iyo xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaalada Gobolka Gedo “ay tahay mid faraha ka sii baxeysa ayna ka faa’iideysteen Al-Shabaab.”