Dib u dhis lagu samaynayo qeyb kamid ah garoonka Beledweyne.

16

Sii-hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya xirsi Rooble iyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sa wadijir u dhagax dhigay dhismaha cusub ee qeybta baarista garoonka ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.

Munaasabadda oo ka dhacday gudaha garoonka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday wasiiradda dowlad goboleedka Hirshabeelle Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliiyin kale oo kala matalayay heer gobol,Degmo iyo qeybaha bulshada.

Dhismaha qeytaan maanta la dhagax dhigay ayaa ka mid ah baahiyaha garoonka maadaama uusan laheyn dhisme lagu baaro dadka sido kale waxaa lagu soo bandhigay shaqaalle loo tababar maamulka garoonka .

Arrintaa ayaa ka dambeysay kaddib markii 14 julay ee sanadkaan 2020 ay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne  ku gubatay Diyaarad laga lahaa dalka Kenya kana soo duushay dalka Jabuuti taasi oo  raashin u siday ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl-galka midowga Africa ee AMISON.