Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo baneeyay degmada Ceelbuur

17

Wararka laga helayo Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay maanta isaga baxeen degmada Ceelbuur ee gobolkaasi.

Sababta ay Al-Shabaab u baneeyeen degmada Ceelbuur ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ay dhaq dhaqaaqyo millatari ay ka wadaan ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Somalia.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in maanta dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxay cabsi badan ka jirtay degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee Gobalka Galgaduud.

Weriyaha KNN ayaa soo sheegaya in barakac hor leh uu ka bilowday degmada Ceelbuur, iyadoona cabsi laga qabo dagaal uu ka dhaco qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Shalay ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay miinooyin ku aaseen deegaano ka agdhow degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.