Galmudug oo amar ku soo rogtay ganacsatada iibiya Qaadka

31

Wasaaradda Maaliyadda maamul Goboleedka Galmudug ayaa Ganacsatada Qaadka Hareeriga ah keena degaannada Galmudug ku amartay in ay isa soo diiwaan geliyaan ugu dambeyn 3da Bisha 9aad 2020, si loo siiyo sharci ay ku Ganacsadaan.

Wareegto ka soo Baxday Wasaaradda maaliyadda Galmudug ayaa Ganacsatada Qaadka lagu faray in ay ammarkan u hoggaansamaan ciddii ka dhega adaygtana aan loo oggolaan doonin in ay Qaad keento Galmudug