Ku simaha raysal wasaaraha dalka oo kulan la qaatay xubno ka tirsan Golaha wasiirrada

1

Ku simaha raysal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka tirsan golaha wasiirrada iyo dad kale oo khubarro ah.

Kulan dhex maray xubnaha ka tirsan golaha wasiirrada iyo khubarrada ayaa waxa uu sheegay Mahdi Guuleed in uu kaga dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda dib u habeynta dhinacyada dhaqaalaha  iyo horumarinta nidaamka maamul ee maaliyadda heer Qaran iyo dawlad wanaagga.

“Waxaan maanta warbixin ku saabsan xaaladda dib u habeynta dhinaca dhaqaalaha ee dalka ka dhageystay wasiirrada ku shaqada leh iyo khubaro. Waxaan si aad ah uga shaqeyneynaa xoojinta dhaqaaleheenna, horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda  ee qaranka iyo dowlad wanaagga.
Waxaa naga go’an in aan xaqiijinno guul dhaqaale iyo maaliyadeed oo dalkeennu gaaro.” ayuu yiri, ku simaha raysal wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka hadlayay kulankii maanta .