Qaxooti Siiriyaan ah oo gaaray Dhuusamareeb

1

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay  gaaray Qaxooti aad u fara badan, kuwaasi oo kasoo barakacay dagaalada ka socda dalka Siiriya.

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay soo gaareen 10 qoys oo ah siiriyaan kasoo qaxay dagaalada ka socda dalkooda, safar dheer ayay soo galeen iyagoo dhowr magaalo oo soomaaliya ah soo marey ugu dambeyna Dhuusamareeb yimid si ay u helaan goob amni ah.

Balse wararka ayaa waxay sheegayaan  inay jiraan qaxooti kale oo Sooriyaan ah, kuwaasi oo gaaray magaalooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya, isla markaana halkaas loogu sameeyay dib u dejin.