Booliska Hirshabeelle oo gacanta ku soo dhigay Aabe dilay wiilkiisa

2

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska Hirshabeelle ay gacanta ku soo dhigeen Aabe wiilkiisa ku dilay magaalada Jowhar.

Aabahan oo lagu magacaabo Maxamed Dhaayow Aadan ayay sheegeen ciidamada Booliiska Hirshabeelle in wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Dhaayow uu ku riday webiga Shabeelle ee mara magaalada Jowhar.

Ilaa iyo hadda lama oga, sababta ka dambeysan in Aabahan uu wiilkiisa uu dilo , isla markaasina uu ku dhex tuuro webiga.

Balse Ciidamada Booliiska Hirshabeelle ayaa hadda gacanta ku haya Aabe Maxamed Dhaayo, waxa ayna sheegeen in uu mari doono tallaabada ku habboon ee uu sharcigu ka qabo falka uu sameeyay.