DFS oo Qaramada Midoobay u gudbisay cabasho ka dhan ah xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

8

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya  Qaramada Midoobay ayaa sheegay in la gaaray waqtigii dib u qiimeyn lagu sameyn lahaa waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo ay dowladdu ku eedeysay inuu yar yahay awooda uu ku bixiyo taageerada siyaasadeed iyo caawinaada farsamo ee ku saabsan ajandaha dowlad dhisida Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay oo la gudbiyay madaxweynaha golaha Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in xafiiska UNSOM uu hoos u dhigo tallaabooyinka horumarka ee ay sameyso dowladda federalka, iyadoo taas bedelkeedna uu xafiiska warbixinadiisa saddex billoodlaha ah ku sheego ka felcelinta dhacdooyinka.

“In kasta oo ay jiraan horumar ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talaabsatay sannadihii ugu dambeeyay, UNSOM waxay umuuqataa inaysan faafinayn dadaalka iyo himilooyinka la xaqiijiyey ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waday dhulka. Tani waxay sababtay in howlaha ergada ay noqdaan kuwa falcelin ka sameeya dhacdooyinka, iyadoo ay yartahay awooda ay ku bixiso taageero siyaasadeed iyo caawinaad farsamo oo ku saabsan natiijooyinka muhiimka ah ee aasaaska u ah ajandaha dowlad dhisida Soomaaliya,” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Qoraalka dowladda ayaa lagu sheegay inay ku baaqayso in la ilaaliyo madaxbanaanideeda lagana digtoonaado in lasoo faro galiyo arrimaha Soomaaliya -gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.