Xildhibaannada Hirshabeelle oo ka soo horjeestay Guddiga uu magacaabay Waare

22

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya, in qaar ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ay ka soo hor jeesteen, magacaabistii uu madaxweynaha Hirshabelle magacaabay guddiga Farsamada ee ka shaqayn lahaa hawlaha dhismaha Baarlamaanka 2aad e Hirshabeelle.

Qaar ka tirsan Xildhibaannada Hirshabeelle ayaa sheegay in ay arrintaasi ka soo horjeedaan.

Waxa ay sheegeen xildhibaannadan qarkood oo la hadlay KNN ihn arrintaasi aysan marnaba aqbali doonin.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in madaxweyaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ay tahay in uu ku shaqeeyo magaalada Jowhar ee ah xarunta maamulka, balse aysan ahayn in isaga oo ka maqan uu meelo kale ka soo diro warqado magacaabis ah.

Magaalada Muqdisho ayay sheegeen Xildhibaannnada in aan looga talin maamulka ,oo madaxda Hirshabeelle ay tahay in ay bulshada ugu shaqeeyaan xarunta maamulka e Jowhar.